ABIY AXMED oo hal arrin ku ammaanay DF Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday in dowlada Somalia ay ka gudubtay halkii ay sanado badan taagneyd.

Abiy Axmed oo xafiiskiisa magaalada Addis Ababa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladiisa oo qeyb ka ahaa wadahadalka lagu dhex dhexaadinayo dowladaha Eriterea iyo Jabuuti ayaa cadeeyay in dadaalka ugu badan ee xalinta wadahadalka ay leedahay dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed sheegay in dowlada Somalia ay muujineyso awoodo iyo dulqaad dheeri ah, isagoo ku amaanay inay ka miro dhalineyso dulqaadka ay u leeday wax la qeybsiga dowladaha deriska la ah.

Abiy ayaa tilmaamay in dowlada Somalia ay ku guuleysatay xalinta Khilaafka, waxa uuna bidhaamiyay in dhowr mar lagu guul dareystay xalinta, balse ugu danbeyntii xalka ay sabab u noqotay Somalia.

Dowlada Ethiopia ayuu sheegay in adduunka ay tusi doonto isbedelada ka jira Somalia iyo sida loo garab istaagi lahaa maadaama ay kasoo kabaneyso dhibta burburka.

“Somalia wey ku amaanan tahay inay kaalinteeda qaadato, waxaanu ka dadaaleynaa inaan ku garab istaagno inta u harsan”

Sidoo kale, Abiy Axmed, ayaa ballanqaaday in la dhameystiri doono qodobada iyo heshiisyada wadahadalka labada dal, si dib loogu soo celiyo wada shaqeynta.

Haddalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa imaanaya xili uu xog wareysanaayay wafdiga dalkiisa u matalaayay xalinta Khilaafka Jabuuti iyo Eriterea ee gaaray magaalada Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com