Indha-Qarshe oo imtixaan marinaya saraakiil badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in Saraakiisha ciidamada xoogga ee darajooyinka leh la marin doono Imtixaan.

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), ayaa ku dhawaaqay in Imtixaankasi uu yahay mid lagu saxayo aqoonta Saraakiisha si ay u maraan tijaabo.

Taliyaha Ciidanka xoogga Indhaqarshe waxa uu sheegay in Saraakiisha ciidamada laga qaadi doono Imtixaan guud, iyadoo Imtixaanka kadib lagu kala xulan doono aqoontooda, sida uu hadalka u dhigay.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), ayaa ujeedka imtixaanka ku sheegay inuu yahay mid lagu  ogan doono heerka aqooneed iyo qibradaha ay leeyihiin saraakiisha.

Taliyaha ciidamada waxa uu intaa raaciyay in Saraakiisha qaar ay yihiin kuwo aan u qalmin darajooyinka, halka qaarna ay yihiin kuwo aan la heyn dibishiliin ciidan.

Waxaa uu sheegay taliye indha qarshe qaadista imtixaanka lagu kala saarayo saraakiisha leh Aqoonta iyo kuwa ay qibradooda ay yar tahay Saraakiisha imtixaanka ku dhacdo ayuu sheegay in loo furi doono koorso waxbarasho oo lag dhisayo heerka Aqoontooda.

Indhaqarshe, ayaa horay darajooyinka uga xayuubiyay Saraakiil badan oo dhalinyaro ahaa, halka qaarna uu ku eedeeyay inay ahaayen dad da’ ah.

Talaabada uu ku dhawaaqay Indhaqarshe ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta Saraakiil badan oo darajooyinka ku qaatay aqoon la’aan, waxaana aad loo hadal hayaa in ku dhawaaqistiisa ay tahay mid loola gol leeyahay saraakiil ay darajooyinka ku taxeen Taliyayaashii hore.

Si kastaba ha ahaatee,Taliska Ciidamada xoogga ayaa Bilihii lasoo dhaafay waday dib u habeyn lagu sameynaayay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com