Yaa ka mas’uul ah hanqal taaga caadada u noqotay maamul gobolleedyada?

Waxaa sii kordhaaya awoodaha ay isticmaalayan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka kuwaa oo sharci ahaan ku hoos nool nidaamka dowlada dhexe ee Somalia.

Hogaamiyayaasha maamulada oo intooda badan awoodaha ka dhigta kuwo ay ku difaacdan xilkooda ayaa qaabab khaldan u adeegsaday xadka xoriyada ay u heystaan xilkooda.

Hogaamiyayaasha oo awoodani yeeshay xiliga ay dalka ka arimineysay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa iminka isku dayaya in awoodahooda ay ku wiiqan dowlada Dhexe oo ka Siyaasad duwan dowladii hore.

Dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaa dano gaara ka laheyd dhismaha iyo awood siinta maamulada ayaa maalmihii ugu danbeeyay ee xiliga Doorashada ku hingowday danihii gaarka ahaa, kadib markii Xildhibaanadii laga soo xushay ay codkooda siiyeen Madaxweynaha hadda jira.

Awoodsiinta Hogaamiyayaasha maamulada oo aan sharciyo saxa loo cuskan ayaa waxaa laga lahaa ujeedooyin fog oo natiijadooda iminka ay soo ifbaxday, taa oo ah in lagu caqabadeeyo nidaamka iyo kala danbeynta ka jirta dalka, gaar ahaan mida ay liijaanka u heyso dowlada hadda joogta.

Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowlada iyo Siyaasiyiin madax-banaan ayaa qaba in Awoodaha Hoagaamiyayaasha Maamul Goboleedyada isbidayaan ay u ogolaatay Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Danooyinka laga lahaa awood siinta maamulada ayey sheegen inay aheyd mid lagu bedelanaayay codadka doorashada Xildhibaanada oo iyagu ku xirnaa Hogaamiyayaasha, balse markii lagu guul dareystay helida codadka ay Madaxda maamulada horay usii wateen awoodahooda.

Aqoonyahan lagu magacaabo Maxamed Muuse Guuleed oo dibad joog ah, ayaa sheegay in dowlada Somalia ee hadda jirta laga doonaayo in sharciga u degsan dalka aysan kala ganban maamulada ka jira dalka.

Waxa uu aqoonyahanka tilmaamay in dowladda haatan looga baahan yahay in Dastuurka iyo Nidaamka dalka ay ku maamusho maamulada iyadoo aan looga heybeysan waxa ay damacsan yihiin.

Waxa uu dhankiisa ka qiray in maamul Goboleedyada ay dhumisay dowlada Xasan Sheekh, hase yeeshee iminka ay tahay mid caqabad ku ah dowladnimada la filaayay.

Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay ku shirayay Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland, waxa ayna war-murtiyeedkooda ku cadaadiyeen dowlada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ee hadda jirta ayaa dooneysa inay dib u hagaajiso khaladaadka ka dhacay maamulada iyo awoodaha sharci darada ah oo ay isbideen Hogaamiyayaasha maamulada.

W/Q: Xasan Cabdulle Muxamed
Jowhar, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid