Muxuu dastuurka ka qabaa burburtinta jardiinooyinka ee guddoomiye Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Nambar Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Jardiinka loo soo celiyo.

“Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.” ayuu yiri Yariisow.

Qorshaha dib u soo celinta dhulka Danta Guud ayaa xala ka bilowday Jardiinka nambar Afar oo mudadii la soo dhaafay ay ka dhisnaayeen dhismeyaal ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo laga banneeyey goobta, si loogu hirgeliyo bulshada Caasimadda goob ay ku nastaan.

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada Lanbar Afar ee bartamaha caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa wuxuu sheegay inay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee gacanta dowladda loogu soo celin lahaa Jardiinooyinka iyo goobaha danta guud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Saddexdii July ee sanadkan go’aan ku soo saaray in dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka, go’aan kaas wuxuu ku ekaa bilawgii bishii August ee sanadkan, balse weli ma aanu dhaqan gelin.

Haddaba Gudoomiye Yariisow Waxaa uu shaaciyay in dowladda Dhexe hoose ee Muqdisho ay xoog kusoo celin doonto Jardiinooyinka, dastuurka Maxuu ka qabaa  hadalka Gudoomiyaha?.

Warbixintaan waxaa noo diyaariyay Faysal Cabdullaahi Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com