Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland dagaaladii ka dhacay Gaalkadyo.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in madaxda Puntland ay ku fashilmeen badbaadinta shacabka ku nool gobolka Mudug, kuwaasi oo ku dhintay dagaaladii magaalada ka dhacay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xubno ka tirsan Puntland ay ka dambeeyeen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dhinaca kale C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in madaxda Puntland ay cuuryaamiyeen dhaqaalaha dadka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dhibaato badan ay Puntland ay faraha la gashay.
Dhowr jaho ayuu sheegay in dagaallo kala duwan looga soo qaaday Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

