24.7 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Puntland vs. Galmudug: Xiisad dagaal u oo ka taagan Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad dagaal ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo.

Xiisada u dhaxeyso labada maamul ee Gaalkacyo ka taliyo ayaa ka dambeysay kadib markii shalay ciidamada labada dhinac ku dagaalameen Galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkii shalay ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada labada maamul ay madaafiic isku weydaarsadeen galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa midba mid kale isku eedeeyay masuuliyada dagaalkii shalay, waxaana gudiga xalinta dagaalada Gaalkacyo ay ka cabsi qabaan dagaalo kale oo magaalada Gaalkacyo.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii hishiis magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen maamulkada Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News