Culimada Boorama oo ugu baaqay badhasaabka Awdal “Inuu dib usoo islaamo” kadib hadal kasoo yeeray

Boorama (Caasimada Online) – Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayey qaar kamid ah Culimada Boorama ugu baaqeen in uu “dib usoo islaamo,” maadama ay sheegeen in uu diinta caayey islamarkaana “uu ka baxay.”

Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu si weyn uga carooday Wiil xiriirinayey xaflada.

Badhasaabka ayaa si weyn uga carooday in qof laga hor-mariyay oo hadalka lagu soo dhaweeyo, xili uu dalbaday in isaga loogu horeysiiyo, si uu hadalkiisa uga jeediyo xaflada kadibna uu u baxo.

Midaasi oo uu ku gacan sayray wiilkii dhalinyarada ahaa ee xiriiriyaha ka ahaa xaflada, taasi oo dhalisay in Badhasaabku uu yiraahdo ereyo uu ku aflagaadeynayo Diinta isagoo kasii baxaya xaflada, oo ah “Taga waan iska tagayaaye, diintiina W***”

Sheekh Xasan Deheeye iyo Sheekh Maxamed Saaweer oo kamid ah Culimada waaweyn ee gobolka Awdal, ayaa khudbadii Jimcihii kaga hadlay arrinkaasi, iyagoona sheegay in Badhasaabku uu galay gaf weyn, maadama uu caayey Diinta Islaamka.

Culimadan ayaa Madaxda sarre ee Xukuumada Somaliland ku canaantay in gobolka Awdal aysan u soo magacaabin Badhasaab ku fiican xagga diinta, isla markaana ugu baaqay inay talaabo adag ka qaadan Mas’uulkan.

Waxay sidoo kale Culimadan ay ugu baaqeen Badhasaabka “in uu dib u soo Islaamo,” maadama uu caayay Diinta, iyagoona xusay in uu Xukunkiisu yahay in la dilo, haddii uusan dib uga soo laaban.

“Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga rabaa inuu maanta Masaajidka ugu weyn Hargeysa uu ka khudbadeeyo oo isagu dadka uu hoogaamiyo oo khadiib uu noqdo sidii Cumar Binu Khadaab ilaa madaxdii muslimiinta waayo ninka muslimiinta xukumaaya iimaam ayaa la yidhaahdaa, wax la hogaamiyo salaada ayaa ugu wanaagsan waa inuu salaadooda hogaamiyaa  oo toosiyaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Deheeye.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Badhasaab kastana waxa laga rabaa inuu isna gobalka loo diray in sidaas u hogamaiyo oo diinta ku hogaamiyo oo khudbadeeyo oo tujiyo, kumaa maanta ina tujin ma ka diinta caayaya ma ka alle caayaya  ma ka malaa’igta caayaya”.

“Meel lagu shiraayay ayaa shalay waxa lay sheegayay oo hoolalka ah ninka gobalkan haystaa inuu diinta caayay oo alle uu caayay, anigu isaga canaanan maayo ee kuwa soo magacaabay ee sidaas raali ka ah inuu diinta caayo,  waa gaal ninkaasi ee waa inuu dib u ashahaataa  xukunkiisuna waa in la dilo, aniga ayaa dilaaya ma lihi ee shareecada ayaa dilaysa”.

Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo isaguna ka hadlayey arrinkaasi, wuxuu yiri “Dawaladu waa inay wax ka qabato ninka diinta caayay hadduu madax yahay haduu askari yahay , haduu cid kasta yahay waa in wax laga qabto oo la sheego, maaha in lays xanto qofku haduu alle iyo rasulkiisa caayo waa la dilayaa  waa reer hebelnimo yaa loo dhimanayaa kuwa suuqa ku caayaya ee tolkeen ah maxaa wax looga qaban waayay”.

“Miyaad aragtay qof diinta lagu dhirbaaxay, diinta ma sidaas ayaynu ku daynaa.  Madaxweynuuna waa inuu dadka dhanka cibaadada ku doorto oo aan reer  hebelnimo  la eegin oo waa in la eegaa qof dhaqan fiican leh oo umadda masuul ka noqda”

“Umaddu masuul wanaagsan ayay u baahantahay  nin lagu daydo ayay u baahan tahay nin umadda la tukada ayay u baahan tahay oo jamaca soo dhexgala oo safka hore ku tukada oo umadda wax u sheega oo ay ku dayato”.

Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu sii baxayey, midaasi oo dhalisay in loogu baaqo in uu Diinta dib ugu soo laabto.