Culimada ISLAAMKA oo ku baaqay in laga hor-tago qorshe ay dooneyso Israel

Doha (Caasimada Online) – Ururka caalamiga ah ee midowga culimada Muslimiinta, International Union for Muslim Scholars (IUMS) ayaa maanta ku baaqay in dhammaan dunida iyo dalalka Islaamka ay u istaagaan inay ka hortagaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Falastiin.

Xoghayaha guud ee IUMS, Ali al-Qaradaghi ayaa ku eedeeyey Israel inay ka faa’iideysaneyso kusii jeedka caalamka ee cudurka Coronavirus, iyo taageerada maamulka Trump, si ay ugu dhaqaaqdo siyaasadaheeda gardarrada ku dhisan ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

“Culimada Muslimiinta waxay ku baaqayaan in la garab istaago shacabka Falastiin, iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay arrimahooda go’aan ka gaaraan iyo inay xorreeyaan dhulkooda la haysto,” ayuu yiri al-Qaradaghi.

Waxa uu sheegay in maamulka Mareykanka uu si buuxda mas’uul uga yahay ansixinta qorshaha Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Qudus iyo dhulalka kale ee Falastiin.

Goosashada Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ayaa dhici doonta 1-da July, sida ay isku raaceen ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo ninka ay doorashada ku loolameen ee Beny Gantz.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay ka bixi doonaan heshiisyada wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Israel, haddii ay ku dhaqaaqdo qorshahan, taasi oo wiiqi doonta dadaallada lagu raadinayo xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel.

Goosashada Daanta Galbeed ayaa qeyb ka ah waxa loogu yeeray “Heshiiska Qarniga”, oo 28-kii Janaayo uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Qorshahan ayaa Qudus u aqoonsanaya “caasimadda aan la kala qeybin” ee Israel, wuxuuna Israel siinayaa madax-banaanida qeybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed.

Falastiiniyiinta iyo ururka dalka Islaamka ayaa si weyn uga hor-yimid qorshahan.