Somaliland oo si yaab leh uga fal-celisay deeqdii uga timid Qatar, xili ay isku fiican-yihiin Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shalay deeq mucaawino ah soo gaarsiisay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka qeyb qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus/Covid-19.

Xukuumada Somaliland ayaa si yaab leh uga fal-celisay deeqdaasi, iyada oo laga dheehan karayey hab maamuska lagu gudoomey heerka uu marayo xiriirka labada dhinac.

Deeqdaasi ayaa shalay soo gaartay madaarka Hargeysa, midaasi oo uu waday safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Amb Xassan bin Xamza Hashem, iyada oo ay soo dhoweynta wafdiga mucaawinada waday ay ka muquurteen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Somaliland.

Waxaa soo dhaweeyay wafdiga Qatar ee siday deeqda caafimaad xubno meeqaam buuran laheyn oo ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo uu hor kacayey Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka iyo Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka.

Meeqaamka ay ku gudoontay deeqdan xukuumada Biixi ayaa waxa uu si weyn uga hooseeyaa midkii ay dhawaan kaga gudoomeen dowladda Imaaraadka, oo iyadu deeqdan caafimaad oo kale keentay Somaliland.

Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi ayaa xiligaasi ka gudoomay deeqdaasi xubnihii Imaaraadka ahaa, iyada oo ay madaarkana si meeqaam leh ugu soo dhaweeyeen Wasiirada maaliyadda, diinta & awqaafta, midka caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo darajadoodu ay aad u sareyso.

Somaliland iyo Imaaraadka ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, halka uu hooseeyo xiriirka kala dhaxeeya Qatar oo iyadu saaxiib dhow la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxayna u muuqata hab maamuuska hooseeya ee Xukuumada Somaliland ku qaabishay deeqda Qatar, mid ay ku raaligelinayso dowladda ay saaxiibka la tahay Imaaraadka Carabta, oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso Qatar.