Israel oo ku taameysa qorshe cuusb oo la xiriira Turkiga balse hal caqabad ay hortaal

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Israel ayaa raadineeysa inay dib usoo celiso xiriirkii diblamaasiyadeed ee ay la lahayd Dowladda Turkiga iyadoo labada dhinacba ay safiirro isu magacaabayaan, sidaa waxaa wargeyska Middle East Eye u sheegay sarkaal Israeli ah. Waxa uu xusay in labada dowladood ay dano isku mid ah ka leeyihiin, Syria iyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah.

War laga helay dad isticmaala warbaahinta bulshada ee Turkiga ayaa sheegay in Israel ay soo jeedisay in ay Turkiga la sixiixato heshiis xadeynta badda Mediterranean-ka ah, kaasi oo la mid ah mid ay sanadkii lasoo dhaafay la gashay Libya, sii loo wiiqo qorsha Greek-gu uu doonayo in uu dhinaca ugu riixo Turkiga.

Qoraal muujinaya suurta-galnimada in xiriirka lasoo celiyo oo lagu daabacay akoon rasmi ah oo Twitter-ka ah ayaa lagu sheegayin  Israel ay ku faaneeyso xiriirka diblamaasiyadeed ee Turkiga ay la leedahay ayna rajeyneyso in xiriirku uu sii xoogeysto mustaqbalka.

Dadka indha-indheeya xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Israel ay iska indho tirtay qoraal ay saxiixeen xulafadeeda oo Dowladda Turkiga ku cambaareeynaya dhaq-dhaqaaq sharci darro ah, gaas qodis iy is-bal-aarin ay ka wado bariga Mediterranean-ka. Qoraalka waxaa sixiixay wasiirada arrimaha dibadda ee Cyprus, Masar, France, Greece iyo the Imaaraadka.

“Weligeen Turkiga kalama aanan hadlin xadeynta badda, xitta barisamaadkii xiriirka labada dhinac ee sagaashamaadkii,” ayuu sarkaal Israel u dhashay u sheegay Middle East Eye.

“Waxa aan raadineyno hadda waa xiriir rasmi ah oo aan la yeelano Turkiga. Haddii aanan xiriir yeelan, waxa aan wada jir u gaari karno ayaa yar.”

Sarkaalku waxaa uu sheegay in Turkiga uu safiir ku leeyahay Greece inkasta oo xiisad ay kala dhaxayso. “Imaaraadka Carabta iyo Turkiga xitaa dhibaatooyin ayaa ka dhaxeeya laakiin Imaaraadka safiir ayaa u jooga Ankara,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Mar la weydiiyay warka lagu cambaareeyay Turkiga ee ay Israel ka maqnayd, ayuu sarkaalku ku jawaabay in Israel aysan marnaba qayb ka noqon kooxdaas. “Keliya waxaan xubin ka nahay madasha Gaaska ee bariga Mediterranean-ka, kaasi oo fadhigiisu yahay magaaladda Qaahira.

Turkiga iyo Israel safiirro uma kala joogaan caasimadahooda tan iyo markii uu Maraykanku safaaradiisii Tel Aviv u raray Qudus, bishii May ee 2018-kii.

Kadib markii ciidanka Israel ay xuduudda Israel iyo Falastiin ku dileen dad badan uu dhashay Falastiin ayaa Turkigu ku amray safiirkii Israel in uu si ku meel gaar ah uga baxo wadanka, waxaana uu u wacay safiirkiisii Tel Aviv.

Sarkaalka Israel waxaa uu sheegay in arrinta Syria ay tahay mid ka mid ah sababaha ay labada Dowladood xiriirkooda u soo celinayaan.

“Sidoo kale ururka ay taageerto Iran ee Xisbullah waxaa uu caqabad ku yahay ciidanka Turkiga ee Idlib, iyo ciidankeena koofurta Suuriya. Taasna waa dan aan ka mideysannahay, iyo sidoo kale tamarta,” ayuu yiri sarkaalku. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in Israel iyo xukuumadda Ankara ay ku dhowaayeen in ay ku heshiiyaan in gaaska Israel la geeyo Tukiga ka hor intii uusan xiriirkoodu bur-burin.

Israel waxa ay Turkiga ka caawisay horraantii bishaan in uu shixnad dawo ah gaarsiiyo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, Ankara-na waxaa ay ogolaatay in Isbitaaladda Israel ay dhoofsadaan qalab caafimaad oo lagula dagaalamo Coronavirus.

Si kastaba uma muuqato in xiriirku soo hagaagayo iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo xiriirka uu la leeyahay Erdogan uusan wanaagsaneyn uu ku guuleystay in uu soo dhiso Dowlad kadib saddax doorasho oo sanad gudihiis ah.

Turkigu waxa uu rajeynayay in Dowlad uu hogaaminayo Benny Gantz ay horseedi lahayd dib u heshiisiin. Laakiin taas bedelkeeda, isbuucaan waxaa la dhaariyay Dowlad isbaheysi ah oo heshiis ku ah in ay Daanta Galbeed lagu daro Israel.Taas Turkiga ma aqbali doono.