Sawirro: DF Soomaaliya oo qalab caafimaad gaarsiisay magaalada Buuhoodle

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya, halkaasi oo si ballaaran loogu soo dhaweeyeey.

Wafdigaan ayaa waxaa horkacaya wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, waxaana magaaladaasi ay geeyeen qalab caafimaadka iyo daawo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus.

Wasiir Bidhaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay ula socon lahaayeen xaaladaha caafimaad ee ka jira Buuhoodle iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa la filayaa in xubnaha wafdiga oo loo galbiyey gudaha magaalada inay kulamo la qaataan maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi.

Buuhoodle ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Soomaliyeed, balse dadka ku dhaqan sanadihii u dambeeyey ma arkin wax dowlad ah.