Xukuumada Somaliland oo shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah iyo dhimasho

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku shaacisay inay maanta soo kordheen Kiisas cusub oo cudurka Coronavirus/Covid-19.

Warbixinta wasaarada ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyay ay soo kordheen 18-Kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ah Boqolaal laga baaray cudurkaasi oo ku sugan gudaha Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale shaaciyay in hal qof uu maanta cudurkaasi u geeriyooday.

Tirada guud ee cudurka ee gudaha Somaliland ayaa maanta gaadhay 121-qof, halka tirada bogsashadu ay tahay 8-qof, iyada oo dhimashadu ay mareyso 9-qof, ilaa inta la ogyahay.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa si weyn ugu sii fidaya deegaanada Somaliland, xili ay u muuqato in xukuumada Muuse Biixi ay ku baraarugsaneyn halista cudurkaasi, maadama uu si fudud ugu dhex faafi karo bulshada.