Puntland oo dib u fasaxday qaadka iyo isku socodka gobollada maamulkaasi

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey inay khafiifiyeen amaradii xayiraada ee ay horay ugu soo rogeen deegaanada maamulkaasi.

Jaamac Faarax Xasan ayaa sababta ku sheegay munaasabadda Ciidul-Fidriga ee fooda inagu soo heysa, sidaas awgeed ay garteen in la khafiifiyo xayiraadda.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in la fasaxay dhammaan isku socodka xuduudaha iyo Qaadka la soo geliyo maamulka Puntland, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in aan Jaadka lagu iibin karin agagaarka xarumaha maamulka iyo kuwa Qaramada Midoobay, sababo la xariira ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ma shaacin wasiirka caafimaadka Puntland in Ciida Soon-Fur kadib dib la soo celinayo bandowga iyo in kale, balse wuxuu xusay inay dib uga fakiri doonaan go’aamadaasi.

“Guddiga ayaa arrintan dib u fiirin doona ciida kadib, inshallah” ayuu yiri wasiir Jaamac Faarax Xasan.

Puntland ayaa bandowga soo rogtay 27-kii Maarso, si loo xakameeyo fidista Coronavirus oo laga helay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.