Dadka lugeynaya oo loo diiday wadada hormarta Villa Somalia xilli ay cabsi jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somalia ayaa joojiyay dadka aan la aqoonin ee mara wadada hormarta Madaxtooyada Somalia.

Ciidankaan ayaa dadka lugeynaya weydiiya aqoonsi ama qof damiin ah haddii ay keeni waayaan waxaa loo diidaa in ay maraan wadadaas lamana sheegin sababta.

Xalay ayaa ugu darneyd waxaana la joojiyay dhamaan dadkii wadadaas marayay oo ay qaarkood aqoonsiyo heestaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta inay suurta gal ay tahay in magaalada ay qaraxyo ka dhacaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa is weydiinaya sababta arrintaan keenta balse ilaa hadda ma jirto qof uga jawaabay.

Shacab badan oo dagan xaafadaha nawaaxiga Madaxtooyada ayaa geli waayay guryahooda, waxayna dantu qasabtay iney dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Cabsi xoog leh ayaa Muqdisho ka jirta 48-dii saac ee la soo dhaafay waxaana aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka soo gala madaxtooyada Somalia oo markii hore dadka lugeynaya ku qabin dhibaatooyin badan.