Madaxweyne Saciid Deni oo shaaciyey inay u aarayaan dilka guddoomiyihii Mudug

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Sciiid Cabdulaahi Deni oo si adag uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in dul-qaadkii uu ka dhamaaday, islamarkaana ay u aari doonaan dilka guddoomiyihii gobolka Mudug, Allaha u naxariistee Axmed Muuse Nuur.

Siciid Deni ayaa amray hay’adaha amniga inay jawaab ka bixiyeen weerarkaasi, islamarkaana ay dabagal ku sameeyaan sida ay wax u dhaceen.

“Hay’adaha ammaanka waa in ay bixiyaan jawaabta waajibka saaran ee ah in ay dabagal ku sameeyaan sida ay wax u dhaceen, waxa aan fududeyneenaa in cadaaladda la waafajiyo qof waliba oo lagu caddeeyo ku lug lahaanta kiiskaan ama kuwo lamid ah, xaqiiqdii Puntland weerar ayaa lagu yahay, Shacabku waa in ay taasi gartaan oo ay difaacdaan maamulkooda” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay ku raad-joogaan hay’adaha amniga maamulka Puntland dadkii lug lahaa weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in si deg-deg ah cadaalada loo horkeeni doon, islamarkaana la toogan doono, sida uu hadalka uu dhigay

“Waa in Cadaaladda la horgeeyo oo la toogto dadkii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Axmed Muuse Nuur, waxa aan ballanqaadayaa in cid waliba oo soo galo raad ku saabsan falkaas in cadaaladda aysan ka baxsan doonin ayuu markale  yiri.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa sheegay in gacanta lagu hayo raggii ka dambeeyey weerarkii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gu’jir, kaas oo dhacay 29-kii bishii Maarso ee sanadkaan 2020-ka.

Ugu dambeyn wuxuu dhaliil u jeediyey dowladda dhexe iyo beesha caalamka, isaga oo sheegay in aysan ka gacan siinin amniga iyo ka hortagga weerarada qorsheysan.