Muuse Biixi oo hal arrin darteed cafis ugu fidiyay ku dhawaad 400 oo maxbuus

Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay 365 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada deegaanada Somaliland, kuwaas oo ku eedeysan dembiyo fudud, sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha.

Wareegtada uu madaxweyne Muuse Biixi cafiska ugu fidiyay maxaabiixtaas ayaa lagu shegay in uusan saamayn doonin xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaas, isla markaana xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud uu fulin doono cafiskan.

Maalinta gooni isutaaga Somaliland oo maanta loo dabaal degay awgeed ayuu cafiskan madaxweyne Muuse Biixi ugu fidiyey maxaabiista, sida ku xusan qoraalka.

“In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 oo maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista” ayaa lagu yiri qoraalkan oo caawa ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Munasabada 18-ka bisha May oo deegaanada Somaliland laga xuso sanad waliba ayaa ku asteysan 29-sano ka hor markii ay gobollada ku dhawaaqeen in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een, waxayna maanta ka duwaneed sidii loo maamuusi jiray sanadihii hore Coronavirus awgiis, iyadoo madaxweynuhu uu dadka khudbadiisa uga soo jeediyay madaxtooyada dhexdeeda.

Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon kuma jiro liiska maxaabiixta caawa cafiska uu ugu fidiyey Muuse Biixi, hese yeeshee Caasimada Online waxay ogaatay in haatan ay socdaan dadaalo badan oo madaxweynaha looga dalbanayo in uusan dadkaas ka reebin Coldoon, oo tan iyo markii la xiray sanad ka hor laga dalbanayey in uu iska cafiyo.