Tobaneeyo qof oo maalin walba iyagoo suuxsan laga qaado suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal dhowr ah iyo saraakiil caafimaad oo kala duwan oo la hadlay Caasimada Online, waxaa maalin walba Suuqa-Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laga qaadaa tobaneeyo qof oo u badan caruur iyo dumar kuwaas oo suuxsan.

Dadkaan ayaa la sheegay iney neef qabad-soomaan kadib markii kumanaan dad ah ay isugu tageen Suuqa-Bakaaraha, kuwaas oo doonaya iney u adeegtaan maalmaha dabaal dagga ee Bisha Soonfur.

Kuleyl darran, ciriiriga oo saa’id ah, dadka oo is-dul qaadaya, haweenka oo ay ku jiraan kuwa uur-leh, qaar xanuun iyo caruur aan awoodin iney galaan ciriiriga saa’idka ah ayaa la sheegay iney wajaheen xaalado halis ah.

Sidoo kale arintaan ayaa la sheegay iney si fudud u faafin karto qatarta Covid-19. Qof kamid ah ganacsatada Suuqa-Bakaaraha ayaa tirada dadka maalintii yimaada Suuqa ku tilmaamay tobaneeyo kun.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa sheegay dadka Isbitaallada loo qaado ee Neef-qabad soomay iney ka badan yihiin kuwa banaanka loo soo saaro ee biyaha lagu shubo waxayna arintaasi sababi kartaa dhimasho badan.

Maaliyiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa u diyaar garoobaya dabaal dagga Ciidul-Fitriga oo ku beegan maalmo kadib waxaana suuqyada Muqdisho ku arkeysaa kumanaan qof oo caruur iyo dumar u badan oo adeeganaya.

Sawirro muujinaya mashquulka Bakaaraha