Imaaraadka oo calooshood u shaqeystayaal reer galbeed ah u kireeyey inay Turkiga kaga hor-tagaan Libya

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Calooshood u shaqaysteyaal Reer Galbeed ah oo ku xiran shirkado fadhigoodu yahay Imaaradka Carabta ayaa la geeyay Libya si ay u taageeraan General Khaliifa Hafter oo dagaal kula jira Dowladda ay taageerto Qaramadda Midoobay, sidaasna waxaa shaaca ka qaaday warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay Qaramadda Midoobay.

Wabixinta oo ay labo diblamaasi si kooban ugu dul mareen warbaahinta Bloomberg ayaa sheegeysa in koox calooshood u shaqayteyaal ah oo xiriir la leh laba shirkadood uu fadhigoodu ayahy Dubai ay Libya u safreen bishii June 2019-kii, iyagoo ku socda qorshe militari oo aad loo maalgeliyay kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu taageero isku dayga Jeneral Khalifa Hafter iyo ciidankiisa LNA ay doonayaan in ay ku ridaan dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee degan Tripoli.

Labada shirkadod ee Lancaster 6 DMCC iyo Opus Capital Asset Limited FZE ayaa hagaya howlgalka si ay Haftar u siiyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo awooda internet-ka.

Koox rag ah oo ku dhow 20 ayaa ka degay Libya dabayaaqadii June 2019. Maalmo yar kadib laba doomood ayaa lagu qaaday waxaana la geeyay Malta, oo ku taala Talyaaniga.

Qaramadda Midoobay ma aysan sheegin sababta halkaas looga dejiyay. Balse qareenadda ragga ayaa sheegay in raggaasi ay bixinayeen adeeg ku saabsan saliidda iyo gaaska.

Hafter, in uu la warego Libya waxaa ku tageera Imaaraadka Masar, Ruushka iyo Dowlado kale. Dowladda ay Qaramadda Midoobay aqoonsantahay waxaa taageera Turkiga iyo Dowlado kale oo Reer Galbeed ah.

Meel ay calooshood u shaqaysteyaal buuxiyen

Sanadihii lasoo dhaafay, Libya waxaa ay noqoneeysay meel uu ka socda dagal daahsoon. Kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, oo u dhashay Ruushka, Sudan iyo Syria ayaa la geeyay wadanka si ay uga dagaalamaan.

Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta la hadlay Bloomberg, calooshood u shaqaysteyasha lagu sheegay warbixinta Qaramadda Midoobay waxaa ay balanqaadeen  inay joojin doonaan hubka uu Turkigu geynayo Tripoli, iyagoo adeegsanaya doomo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Warbixintu waxay sheegeeysaa in lix diyaarado militari ah la geeyay Libya, taasi oo xad gudubku ah cuna-qabateynta hubka ee Qaramadda Midoobay.

Qareenada Calooshood u shaqaysteyaasha ayaa Bloomberg u sheegay in deeymaha loo soo jeediyay Shirkadaha Opus and Lancaster 6 aysan xaqiiqo ahayn, waxayna intaas ku dareen in ay la shaqaynayaan Qaramadda Midoobay si ay u sameyso baaritaan kale.