26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Culimada Soomaaliya oo ka digay in cadaab iyo aafo xun oo ka dhasha falkii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan islamarkaana wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda qoyskii Marxuum Caasho Ilyaas oo dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo.

Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in falkii ka dhacay Gaalkacyo hadii aan loo helin Ciqaab la marsiiyo dadkii ka dambeeyay ay ka dhalan doonto Ciqaab iyo Aafo xun oo saamayso dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Sheekha ayaa sidoo kale fal aad u xun ku micneeyay in qoyskii dhibka gaaray hadana ay la sii kulmaan jir xumeen iyo faquuq bulshada dhaxdeeda ah.

Sheekh Maxamuu ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Gaalkacyo ka dalbaday in ay ka dhiidhiyaan cadaalad darrada dadkii falkaasi fuliyay iyo faquuqa lagu sameeyay qoyska oo Ciqaab laga dhaxli karo aduun iyo Aakhiro.

Halkan ka dhageyso Codka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News