Culimada Soomaaliyeed oo diray farriin culus kadib arrintii ka dhacday Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, taas oo uu saygeeda ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo xaamilo ah oo haysatay carruur agoon ah.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada waa weyn ee dalka ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska gabadha, isaga oo sheegay inay la xanuunsadeen dadka Soomaaliyeed, maadaama uu gaaray dhib weyn.

“Gabadhaas sida arxan darrada ah loo dilay ehelkeeda aad iyo aad ayaan uga tacsiyeyneynaa haddii aan nahay culimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay soo qabashada eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud, isaga oo dalbaday in si deg deg ah cadaaladda loo horgeeyo si loo xukumo.

“Waxaan rabaa inaan halkan uga hambalyeeyo hay’adaha amniga ee qaranka sida sharafta badan ee ay ugu guuleysteen inay gacan ku dhiiglihii soo qabtaan” ayuu sii raaciyay.

Intaas kadib Sheekh Cali Wajiis ayaa farrriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugua baaqay in aan garab lasiin dambiila kasta, si cadaaladda loo horgeeyo.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaa la rabaa Mujrimka in uusan tol yeelan in uusan deegaan yeelan inuu dhiiga uu xambaarsan yahay qof kasta oo muslim ah oo Soomaaliyeed ay ogaato inuu dhiigeedu yahay oo gacanta lagu soo dhigo” ayuu mar kale ku yiri farriintiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ehellada marxuumadda ay dalbanayaan in si deg deg ah  tiirka loo geeyo eedeysanaha, si loola aaso marxuumad Luul Cabdicasiis.

Dhacdadan ayaa argagax ku noqotay dadka Soomaaliyeed, taas oo ka dhalatay sida arxad darrada oo uu ninkan u gubay xaaskiisii oo haddana u lahayd uux li bilood ah.