Culimada Soomaaliyeed oo la dhacay go’aan uu qaatay taliye SULUB + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn ula dhacay go’aan uu ku dhowaaqay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin, kaas oo ah in qofka xaafidul Qur’aanka ah ee ka mid noqonaya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu la mid yahay qof haysta Shahaado Dugsi Sare ah.

Qaar kamid ah culimada oo maanta kulan la yeeshay Taliye Sulub ayaa ku amaanay go’aankiisa iyo sida uu u xormeeyay Qur’aanka Kariimka, maadaama uu ballan qaaday in xushmad gooni ah la siinayo qofka xifdiyay ee ku biiriya Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Culimada ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah, isla markaana wax ka beddeleyso ciidanka, maadaama la helayo dad leh aqoon, laguna xushay cilmi iyo diini.

Dhinaca kale culimada la kulantay taliyaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan howlgallada ay wadaan ciidanka amniga ee lagula dagaalamayo dadka sameeya anshax xumada iyo kuwa shaqeynaya isku dirka beelaha Soomaaliyeed ee haddana isticmaalayo baraha bulshada.

Waxay culimadu bogaadiyeen shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka qabteen dadkii anshax xumada ka faafinayey baraha bulshada.

Dhankiisa taliye Sulub Ahmad Firin ayaa guud ahaan culimada Soomaaliyeed ka codsadey in ay gacan ka geystaan wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana howlgallo aad loo taageeray ay ciidamada dowladda ka bilaabeen Muqdisho, kuwaas oo lagu soo xir xiray dad badan.

Dadka lasoo xiray waxaa kamid ah gabdho caan ka ah baraha bulshada, dad rabshado ka sameeyay Daarusalaam, oday ‘u gefay’ garsoorka dalka iyo wiil ku goodiyay inay ‘afgembi ku sameynayaan dowladda’ haddii xukunka dil toogashada ah lagu fuliyo Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed.