26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Culimadda Soomaaliyeed oo bayaan ku sheegay inuu diinta Islaamka ka baxay Ninkii u gafay Nabiga (NNKH)

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Culimadda Somaliyed ayaa maanta soo saartay Bayaan ku aadan nin ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo u gafay Nabiga (NNKH), kadib Shir maanta Culimadda Somaliyed ay ku qabteen Magaalada Muqdisho.

Ninkaan oo lagu magacaabo Sheekh C/weli Afyare Cali, ayaa waxaa lagu eedeeyay in muuqaal sawir ah uu ku soo bandhigay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, uu ku sheegay inuu yahay Nabi Maxamed (NNKH).

Bayaanka Majmaca culimada ayaa lagu caddeeyay in ninka soo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena NNKH uu Diinta Islamka ka baxay , iyadoo bogaadiyay tallaabada ay qaadeen maamulka Galmudug.

haddaba halkaan hoose ka akhriso bayaanka kasoo baxay culimada

- Advertisement -

Read more

Local News