CULIMO soo saartay fatwo xaaraan ka dhigeysa isticmaalka mobile-ka….!

Sheekh Khalaf Almudlaq oo ka mid ah culumada waaweyn ee Sucuudiga ayaa fatwooday inay xaaraan tahay in qofka gaariga wada uu mobile-ka isticmaalo.

Sheekhu wuxuu yiri: shareecadu waxay u timid inay ilaaliso dadka diintooda, naftooda, maalkooda, sharaftooda iyo ubadkooda.

Sheekhu wuxuu yiri: isticmaalka mobile-ku waa arrin khatar badan marka qofku gaariga wado; waayo wadida gaarigu waxay u baahantahay soojeed iyo feejignaan; si loo ilaaliyo darawalka, rakaabka, maalkooda iyo dadka waddada maraya iyo maalka caamka ahba.

shiikh136Sheekhu wuxuu yiri: qofku marka uu doonayo inuu mobile-ka isticmaalo waa inuu wadida joojiyo; si uu u badbaadiyo dadka iyo maalkooda. Waa in la ilaaliyo nidaamka taraafikada ee qeexaya ammaanka waddooyinka.

Sheekhu wuxuu hadalkiisa ku gabagabeeyey qalabkan casriga ah wuxuu saamayn xun ku yeeshay qoysaska. Waxaa hoos u dhacay waxbarashadii, xiriirka qoyska u dhexeeyey. Wuxuu sababay furiin iyo dadkii oo kala mashquulay.

Halkaan ka akhri hadalkii sheekha: http://almoslim.com/node/197562

Sannad walba kumanyaal ayaa ku dhinta, kuna dhaawacma shilalka gawaarida ee sababsada isticmaalka mobile-ka; sidaa darteed waxaa waajib ku ah dadka gaadiidka wada inay ilaaliyaan nolosha dadka iyo maalkooda.

Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com