Xagee laga haystaa DF oo ay ka soconi la’dahay sideese wax u dhaceen?

Taliyeyaashii Saldhigyada Booliiska Wardhiigley iyo Shangaani ayaa kamid ahaa Dadkii ku Nafwaayay Weerarkii habeen hore lagu qaaday Hotel Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliiska Soomalaiya Col. Maxamed Yuusuf Cumar ‘Madaale’ ayaa sheegay in Labadaas Taliye ay ku dhinteen Qaraxyadii.

Labo xiddigle Mursal Showre oo ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska ee Shangaani iyo Gaashaanle dhexe Cabdiqani Axmed Gacal oo ahaa Taliyihii Saldhigga Booliska ee degmada Wardhiigley ayaa ka mid ah 11 Qof oo ku dhimatay weerarka.

“Weerarka waxaa ku dhintay Dad Rayid ah, ciidammo iyo kuwii weerarradaas fuliyay, waxaana inta badan dadka dhintay ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidamada booliiska iyo Nabadsugidda dowladda (…) Waxaana ku jiray Taliyeyaashii Saldhigyada Booliiska Wardhiigley iyo Shangaani” ayuu yiri Madaale.

Weeraradaan oo ahaa kuwo Qorsheysan ayaa habeen hore ka dhacay Hotelka ay dagaan Siyaasiyiin, Diplumaasiyiin iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.

Qaraxii koowaad ayaa dhacay fiidkii, waxaana Gaariga uu lahaa Taliyihii hore ee Nabadsugidda Gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg lagu xiray Walxaha Qarxa. Taliyaha ayaa markuu Qaraxa dhacayo ku jiray gudaha Hotelka.

Afartan Daqiiqo kadib waxaa dhacay Qaraxii Labaad oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo hotelka hortiisa la dhigay.

Dadka inta badan ayaa waxey ku dhinteen Qaraxii Labaad, waxaana Qaraxaas lala eegtay Gurmadkii iyo Ciidamada Dowladda oo Goobta soo gaaray.

Dowladda oo ku guuldareysatay sugidda Ammaanka

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo arxan-darro ah, wuxuuna sheegay in ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha weerarradaas, halka Wabaahinta Dowladda ay Qortay in Dowladda Federaalka ay “Fashilisay Weerar Argagixiso”.

Sidoo kale, Taliska Booliska Soomaaliyeed, Gen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa sheegay in ay ka hortageen Weeraradii Isqarxinta ahaa.

Su’aasha taagan ayaa ah, ma Weerar ay ku Nafwaayeen 11 Qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 40 oo ka dhacay Hotel si fiican loo ilaaliyo ayaa lagu guuleystay in la “Fashiliyo”?

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay Hay’adaha Ammaanka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha.

Xildhibaan Cabdibsamad Macalin Maxamuud oo hore u soo noqday Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay ku mashquushay Dhanka Siyaasada,o o amaankii ay dayacday.

“Bilihii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay, Qaraxyo, Dagaal joogta ah, Dilal qorsheeysan, taasna waxa ay muujinayesaa in la Hilmaamay Amaanka Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Samad.

Xildhibaan C/samad Macalin ayaa ugu baaqay Laamaha Amaanka Dalka in aysan Siyaasada Soomaaliya ku lug yeelan islamarkaana ay u soo jeestaan sugida Amaanka.

Xildhibaan Codsaday in aa Magaciisa loo adeegsan Warbixintaan oo aan la hadalnay ayaa dhaliilay Madaxda Dalka, wuxuuna yiri “Meesha Dowladda kama jirta, Dowladd waxey ka fakartaa Shacabkeeda, waxey xooga saartaa Ammaanka, waxeyna siiba ilaalisaa Gurigeeda (…) Waa Ceeb in Dowladdu ay ilaa iyo Maanta aysan dajin Qorshe sidii looga hortagi lahaa Qaraxyaddaan oo kale, marwalba uu Qarax dhaco in la yiraahdi ‘Waan ka xunahay’ wax ma badaleyso”

“Waan ka xumahay laakiin Villa Somalia ayaa ammaan aheyn iskaba daayee Muqdisho” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda ayaa Codsanaya in Xilka laga qaado Mas’uuliyiinta haya Hay’addaha Ammaanka.

Habada yaa Qaadaya Mas’uuliyadda? Ama sidii Qaraxyaddii hore, Labo Maalmood kadib waa la iska ilaawi doonaa?

Isha: KON