Prof. Cali Geedi oo xaqiijiyay arrin lagu jahwareeray oo Muqdisho ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa caawa xaqiijiyay haddii ay soo laabtaan wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid in wax kalsooni ah aysan ka heli doonin baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Geedi ayaa sheegay in xog uu ku helay ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed inuu damacsan yahay in uu soo celiyo qaar ka mid ah golaha wasiiradii horre.

Waxaa uu arrin ayaan daro ah ku tilmaamay in madaxweynaha shakhsiyaad uu doonayo in lagu soo celiyo golaha wasiirada cusub sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka jirra guux ballaaran oo ku aadan in ay soo laabtaan golaha wasiiradii horre, waxaana arrintaas olole ballaaran ugu jirra madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa wada kulamadii ugu dambeeyay oo uu ku soo xulaayo golaha wasiiradiisa cusub, waxaana la filayaa in ay ka badnaan doonaan tirada wasiir horre oo ahaa 10.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com