Culumada Soomaaliyeed oo si muuqata ugu soo biiray dagaalka Xukuumadda iyo Mucaaradka

Boosaaso (Caasimadda Online) – Muddadaan waxaa soo kordhaya walaaca ay ka qabaan inta badan Culumada Soomaaliyeed mustaqbal iyo aayaha dalka, iyaga oo sheegay in ay ka cabsi qabaan in dalkan la geliyu gumeys cus oo ay horseedayaan siyaasiyeen u adeegaya dalal shisheeya.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culumada sida weyn caanka uga ah dalka ayaa Masjidka Huda ee magaalada Boosaaso waxa uu ka sheegay in uu socdo qorshe ay wadaan wadamo Carab ah oo lagu doonayo in lagu kala qeybsado Soomaaliya.

“Dad waxaa jira lacag lasoo siiyey sida uu Sheekh Nuur Baaruud sheegay oo markii ay waayeen Madaxweyne iyo Raiisul Wasaare is-qab qabsada hadda u rogay in ay labadaba wada ridaan. Hadda arrinka socda ayaa ah in Raiisul Wasaaraha la rido kadibna Madaxweynaha lagu xejiyo, arrinkan oo ay ka shaqeynayan dad Carab iyo Islaannimo sheeganaya.”

Sheekh Daahir ayaa sheegay in is-qab qabsiga Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, siyaasiyiinta lacagta la soo siiyey ee khalkhalka ku haya xasilloonida siyaasadeed ee dalka iyo Baarlamaanka dheef-raadiska ah ay kaalin weyn ka qaadanayaan hirgelinta qorshahan khatarta ku ah jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Arrintaasi hadii ay sii socoto, anigu waxaan ka baqanayaa in la ina qeybsado, meesha aan ku naalana waa jidkii uu marayey Caalamka oo dhan, waa la ina qeybsanni carab ayaana wata. Inaga iyo Carab maxaa ina dhex yaalla, ogaada wax ay inoo qabatay ma jiro laakiin waayahan dambe ilaa Kismaayo ilaa Lowya-cadde iyo inta u dhaxeysa  Carab baa dhex yaaceysa, bal hadda maxaa Carab nagu soo kiciyey.”

Sheekhu waxa uu farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku tilmaamay in qorsheyashan ay wataan dalal gaalo ah iyaga oo ku shaqeysanaya Carabta ajandeyaasha muranka badan ka wada dalka.

Sidoo kale, Sheekh Daahir Aw-Cabi waxa uu si kulul uga hadlay Baarlamaanka iyo mowqifka ay ka taaganyihiin qorsheyaasha khatarta leh ee shisheeyuhu u malegayan dalka.

“ Nimankan Baarlamaanka ah dadka halaga qabto, Calooshood u shaqeystayaal weeye. Dad baa lacag soo siiyey, waxayna rabaan iftiinka yar ee u soo baxay Soomaaliya  in ay damiyaan. Waxaa la rabay in ay gurigii Soomaaliya ay dhisaan oo dadka isu soo dhaweeyaan, wixii la kala tabanayey bal in la dhayo oo wax uun bal la isla ogalaado, wixii Soomaaliya la oran jiray in la badbaadiyo iyadoo maanta mareysa nimanka raba in ay kala daadiyaan ma idinla saxan yihiin.?”

Dhanka kale, Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ku gacan seeyrtay siyaasiyiin mucaarad ah oo qaarkood xubno ka yihiin Baarlamaanka FS kuwaas oo doonayey in Culumadu ay goonni ka istaagaan arrimaha siyaasadda dalka balse arrinkan si weyn ayey uga soo horjeesteen Culumada iyagoona sheegay in samata bixinta  dalka ay tahay masuuliyad qaran, diintuna ay waajib kaga dhigtay qof kasta.

Culumada sida weyn uga soo horjeedda kooxaha mucaaradka ah waxaa ka mid ah Sheekh Nuur Baaruu Gurxan oo si cad u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay tahay in ay diidaan shakhsiyaadka dalalka shisheeya lacagta ka soo qaatay ee ka soo horjeeda Xukuumadda.

Shakhsiyaadka mucaaradka ku ah Dowladda Nolol iyo Nabad ayaa culeys badan waxa uu kaga imaanayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada oo aaminsan in dowladdu ay qaaday tallaabooyin soo celiyey dowladnimadii Soomaaliya iyo maaqamka ay ku lahayd Dunida, Sidoo kalena wax badan ka qabatay ammaanka iyo dhaqaalaha dalka, haatanna aan a la joogin wakhti la is-mucaarado  dalkana jahwareer siyaasadeed aan la gelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com