Akhriso Dowladda Soomaaliya oo xil nooc cusub ah u magacawaday C/samad Macalin Maxamud

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xil nooc cusub ah u magacawaday xildhibaan iyo wasiir hore C/samad Macalin Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Cabdi Faarax Juxa ayaa lagu sheegay in Mudane Cabdisamad uu noqon doono isku-xiraha  wadi doona dib u heshiinta, dhexdhexaadinta iyo dhameystirrka heshiiska maamullada Galmudug iyo Ahlu suna.

C/samad oo uu dhalay hoggaamiyaha guud ee Ahlu suna ayaa horeba qeyb uga ahaa arrintan, waxaana hadda uu noqonayaa ergey ay magacawday dowladda Federaalka si looga mira dhaliyo isku biirka labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com