Culummada casriga ah su’aal baan ka qabaa (Arrimaha cusub oo ay keeneen)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Culumada Soomaalidu waxay lahaayeen mansab iyo magac, bulshada dhexdeeda aad baa looga qadarin jirey, markii ay soo muuqdaan inta fadhidana way istaagi jirtay intii istaagnaydna waa dhaqaaqi jireen, xaga xerada xoolaha baa la’aadi jiray, waxay ahayd arin aad u culus hadii xilka culumada lagudan waayo. Waagii dilaacaaba war cusub buu la yimaadaa, qoraxdii dhalatana amuuraheeday wadataye bal iminka wadaadadi sidaa looga dambayn jiray, dadka Quraanka u akhrin jiray, nabada iyo asluubta iyo isjeclaanta ka talin jiray diir cusub bay la soo baxeen.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (geel lugaha dambe buu habeed ku lahaan jiray ee haduu lugaha hore habeed ku yeesho waa ged uu lasoo baxay), hada culumadii dadka nabada iyo isjacaylka u dardaarmi jirtay hadii ay siyaasadii cagaha lagaleen, oo waliba culumo hubaysan oo dhiig daadinaysa ay noqdeen waa ged cusub, waxyaabaha culumadii soomaaliyeed ee hore ay caanka ku ahaayeen waxaa kamid ahaa qodobadaan hoose:-

1.      Culumadii soomaaliyeed ee soo jireenka ahayd waxay u naseexayn jireen dadka, qofkii khalad sameeya waa loo naseexan jiray maxaa yeelay Xadiis baa oranaya (Diintu waa Naseexo, waxayna naseexo u tahay, Rasuusha Ilaahay iyo inta rumaysay ee muslimiinta ah).

2.      Culumadii hore Ee soomaaliyeed hadalkooda iyo habdhaqankoodu wuu is raacsanaa, dadkana in ladilo bay ka digi jireen, waxay markasta hor istaagi jireen in dadka dagaal iyo nacayb kala dhex maro.

3.      Culumadii Soomaaliyeed ee hore, waxaa ka reebanayd in dad muslim ah lagaaleeyo ama gaalo lagu sheego, waxaa aan marnaba dhici jirin in shacab dhan ama umad dhan oo Ilaahay caabudaysa Nebigiisana Rumaysan Gaalo lagu tilmaamo.

4.      Culumadii hore ee Soomaaliyeed waxaa ka reebanayd oo agtooda wax laga xishoodo ka ahayd in qof muslim ah ladilo, waliba qof muslimnimadiisu muuqato oo Masaajid Kasoo baxay, ama siyaad haku dilaan ama si kale ha dilaane midhici jirin inay falkaasoo oo kale ku dhaqaaqaan.

Hadaba Akhriste Culumada Casriga ah maxay soo kordhiyeen, dhacdooyinka dhuunta mari waayay, ee Culumada casirga ah ay keeneen iyagana aan wax kataabto, kuwaas oo kasoo horjeeda kuwii Culumadii hore lagu yaqaanay Waana sidatan iyaguna:-

1.      Culumada casriga ah waxay gacanta ku wataan midi dhiigle, waxay gees marsan yihiin u naseexaynta shaqsiga, kaasoo laga yaabo inuusan diinta aqoon badan u lahayn taasna ay keentay inuu khalad galo, hadii khaladkaa looga naseexeeyo oo loo sheego waxay diintu ka qabtana uu ka leexan lahaa ama uusan mardambe sameeyeen.

2.      Culumada Casriga ah waxaa looga bartay fikrado (Ideology) meesha laga keenay aysan cadayn, iyo in dad muslim ah gaalo lagu sheego sida haatanba dhacda horayna u dhacday, arintaan oo ah arin Siyaasadeed balse loo cuskanayo diin iyadoo laga faa’iidaysanayo aqoon yarida iyo cilmi la’aanta dadka, waxaa kale oo laga faa’iidaysanayaa tashuushka badan ee ku furna maskaxda dadka kuwaas oo ay keeneen dagaaladii mudada dheer wadanka ka socday, hadiise dadku nabad haysan lahaa ay dhici lahayd in su’aalo badan la iska waydiiyo balse hada qof isaguba tisiii layaaban, intaa oo sano qax ahaa, maalinkasta xabad laga dul ridayay, inuu dib u fakaro oo maskaxda maalo way ku adagtahay, halkaas waxay noqotay kaalin ama ilin laga soo galo dadka.

3.      Culumada Casriga ah ee maanta waxaa ku badan banaynta iyo waajib yeelida dhiiga qof in dhiigisa ladaadiyo aysan banaanayn, waxaa dhacday in dadbadan oo qaarkood Culumo diin caan ah ahaayeen dil loo gaystay xili ay kasoo baxeen Masaajid, ama qaarkood markaa salaad galayeen. Minhadaan oo xili lawaajib yeelay in qof muslim ah iska daaye gaal aysan banaanayn in ladilo hadii uusan dagaal diineed ama wadan kugula jirin.

Hadaba Soomaali iyo akhriste markaa muraayad nadiifa ku fiirisid amuurahaa is feer yeel waxaa daahu ka faydmayaa ay jirto arin siyaasadeed iyo loolan siyaasadeed, Culumada Casriga ahna waxaa u muuqatay in ilinka kaliya ee ay kasoo gali karaan uu yahay dhanka Diinta, maadama dadka Soomaaliyeed diintu ay tahay wax agtooda qiimo wayn ku leh, qofkii maro diimeed u xirta af-diimeed kula hadlana ay badan tahay in talooyinkiisa la qaato, balse habka loo isticmaalay ay ka duwantahay tii lagu yaqaanay Culumada Soomaaliyeed waliba culumada aduunka ee maskaxda furan.

Akhriste hadaba si aan kuugu bayaamiyo in Culumadu markasta khilaafka ka cararto aan kuula duulo xaga iyo wadanka Masar oo ay ka jiraan ururada ugu xooga badan uguna tirada badan ee Muslimiin ah, aan kuuso qaato ururka Akhwaanu Muslimiin ee Masar, aad bay ugu fududayd inay dagaalamaan, madama waqti dheer ay ku dadaalayeen in ay xukunka wadanka gacanta ku dhigaan, balse waxaa u dhadhami wayday arinta dagaalka iyo dhiiga daata in aan xal ku imaanayn awoodaduna ay ku wiiqmayso, Dagaalka badalkiisii waxay qaateen inay dadka ku milmaan fikradooda ka dhaadhiciyaan, gaar ahaana dadka aqoonta leh iyo bulshada ka gadmi kara ay hantaan oo gacanta ku dhigaan, markaa kadib inay u fudu-daan karto inay wadanka qabtaan waana miidii dhacday oo aan dhamaanteen arkaynay inay xukunka si cod aqlabiyad leh ugu soo baxeen, inagase ururkii akhwaanu Muslim Somalia wuxuu arinta ka bilaabay markii ugu horaysay 1991dii dagaal, iyo in dadka xoog lagu cabiidiyo, balse faa’iido lagama gaarin.

Gabar inan ah baa hooyadeed oo waxay aragtay Aroos cusub u diyaar garoobaysa xili aabaheed ay kala tageen, markaas bay waxay ku tiri “ee Hooyo anagii baan wali shifaysan adna waad rakaadanaysaa sidaa cadaalad maaha Culumo sida wax aad ku wadaan cadaalad maaha ee dadka sidii la’idinku bartay ku laabta taas baad wax ku noqon kartaan shacabkana ku kasban kartaan bari kamaalina xukun aad ku hanan kartaa.

Wabilaahi Towfiiq.

W/Q: Bashiir Cumar Warsame (Kuuriye)

Email: bashiirc@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid