Cumar Burale oo weeraray A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah ragga mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ayaa caawa weerar ku qaaday maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna ku eedeeyay in ay ku guul dareesteen in ay wax ka qabtaan falalka ammaan darida ee ka dhaca magaalada Kismaayo.

Cumar Buraale waxaa kaloo uu diidday in uusan aqoonsaneen maamulka KMG ah ee Jubba, isagoona yiri “Waa jabhad xoog ku qabsatay Kismaayo, oo Kenya ay ku adeegato, iyaga ayaana la rabay in ay ammaanka wax ka qabtaan”

Wuxuu sheegay in la rabay maadama ay magaalada gacanta ku hayaan in ay sugaan ammaankeeda, balse waa ay ku guul dareesteen ayuu yiri.

“Annaga magaalada Kenyaatiga ayaa naga soo saaray, koox jabhad ah ayaana gacanta ku heysa, iyada la rabay in ay ammaanka adkeeyso, Kismaayo waxa ay ka yertahay xaafaddaa Madiino, waa magaalo afar km ah oo cidda wax ku disha aaney ku dhammaan karin balse habeen walba cid ayaa lagu dilaa” ayuu yiri Cumar Buraale oo la hadlaay Idaacadda maxaliga ee Goobjoog.

Ugu dambeyn Cumar Buuraale, wuxuu madaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ka taagan magaalada Kismaayo oo dadka habeen iyo maalin lagu xasuuqayo maadama la rabay in dadkii deegganka ahaa la barakiciyo oo la geeyo dad kale sidda uu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com