KISMAAYO oo aan caadi ahayn caawa

Kismaayo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen qof rayid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose

Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox ku hubeysan bastoolado ay caawa fiidkii ku dileen xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo qof rayid ah, ninka la dilay ayaa la sheegay in murmeen mid ka mid ah kooxda dilka geestay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka,iyadoo ninka dilka geystayna la sheegay inuu durba goobta ka baxsaday.

Dilka kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo billaabay howgallo lagu soo qabanaayo kooxda dilka geestay.

Waa dilkii labaad oo ka dhacay magaalada Kismaayo, muddo 24-saac laga joogo, waxaa shaley galab xaafadda Calanleey lagu dilay ugaaskii beesha Cawramala, Xuseen Xaafow.

Ma jirto ilaa hadda dilka habeenkii labaad oo isku xigga ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, oo maalmahan dambe noqotay meel dadka lagu dilo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com