Shariif Xasan oo Baydhaba laga baadi goobayo iyo hub isu urursi ka socda

Beydhabo (Caasimada Online) – Xiisado ayaa weli ka taagan Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay halkaasoo ay isku haystaan Taageerayaasha Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo kuwa Madaxweynihii loo doortay dhawaan Maamulka 6-da Gobol ka kooban ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Dadweyne careysan ayaa Maanta galay Guri uu lahaa mid ka mid ah Mas’uuliyiintii Jabhadii RRA-da, halkaasoo ay ku tuhumeen inuu ku jiray Xildhibaan Shariif Xasan, Laakiin markii ay ka waayeen ay dib uga soo laabteen.

“Boqolaal dadweyne ah ayaa galay guriga, waxaa markii hore u diiday inay guriga galaan ciidamada Ethiopia ee AMISOM ka tirsan, balse markii ciidamadu ay yaabeen ayay ku fasaxeen wayna kasoo waayeen Shariif Xasan” ayuu yiri ruux dibadbaxa ka qaybqaadanayay oo la hadlay Warbaahinta.

Wadooyinka Mgaaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugnaa maanta dadwene badan oo ka Careysan imaatinka Shariif Xasan oo hogaaminayay dhismaha Shir halkaas ka socda oo la doonayo in lagu dhiso Maamul Goboleed.

“Shariif Xasan wuxuu doonayaa inuu gobolka kala gooyo, wuxuu doonayaa inuu ka dhigo Baydhabo meel lagu dagaalamo, sidaa daraadeed ma doonayo, waa inuu ka baxaan magaalada, halkii uu doonayana uu aado” ayay tiri haweeney 70-jir ah oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxa ka qaybqaadanayay.

Ciidamada AMISOM ayaan wax taalaabooyin ah qaadin marka laga soo tago inay si aad ah u adkeeyeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo Saldhiga Booliiska oo ay ku sugan yihiin ciidamo isugu jira Somalia iyo Ethiopian.

Maalintii sadexaad ayaa waxaa maanta xirnaa Iskuulada, Jaamacadaha,Ganacsiga iyo weliba goobaha ay dadku isugu yimaadaan sidamaqaahiyaha, iyadoo xiisadan ay noqonayso tii ugu xumayd oo Baydhaboka dhacda Muddo Sanooyin ah.

Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa dhankiisa ku adkeysanya inuusan Baydhabo ka baxayn, uuna dhisayo maamul ka kooban Sadex Gobol, kaasoo uu sheegay inay meel gabo-gabo ah marayo dhismihiisa.

Wararka, ayaa sidoo kale sheegaya in dhiacyada isku haya magaaladaas in ay isku hub aruursanayaan, oo waxaa laga cabsi qabaa in magaalada Beydhabo uu ka dilaaco dagaal xooggan.

Arrintan ayaa daba socota markii maanta ciidamo ilaalo u ah Shariif Xasan Sheekh iyo xildhibaanno kale oo ku sugan Beydhabo ay toogteen wiil 16-jir oo la sheegay in uu watay calanka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Wiilka ayaa la sheegay in uu dhaawacmay, wuxuuna ka mid ah dadweyne fara badan oo maalintii seddaxaad dibadbaxyo rabshado wata ka dhigaya magaalada Beydhabo gaar ahaan hooyga uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku howlan dhismaha maamul cusun oo ka kooban seddax gobal.

Labada dhinac ayaa la sheegay in mid kasta uu u diyaar garoobay dagaal uu ku difaaco maamulkiisa, waxaana shacabka magaalada ay ka cabsi qabaan In dagaalladaas ay ku wax yeeloobaan.

Dhinaca kale, waxaa socda kulamo looga gun lee yahay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan Beydhabo oo ka dhalatay markii xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay tageen maalin ka hor magaaladaas si ay u dhisaan maamul ka kooban seddax gobal.

Xildhibannada ku sugan Beydhabo ayaa la doonayaa in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho balse waa ay diiddan yihiin in ay dib ugu laabtaan Muqdisho iyagoona ku adkeesanaya in ay meel marin doonaan qorshaha ay u yimadeen Beydhabo.

Dadka dibadbaxaya waa taageerayaasha maamulka cusub ee lixda gobal, kaasoo uu madaxweyne u yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com