Shariif Xasan oo loo sheegay in uu ka tago Beydhabo kadib markii Ethiopia…

Beydhabo (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa maanta shir ku yeeshay, saraakiisha ciidanka Ethiopia ee qaybta ka ah kuwa AMISOM, xildhibaanno ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Ibraahim Xaabsade, iyo Cabdifataax Geeseey.

Kulanka oo saxaafadda laga qariyay ayaa looga hadlay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan maalintii 3-aad magaalada Beydhab, waxaa kaloo la sheegay in Shariif Xasan loo sheegay uu dib ugu laabto Muqdisho.

Madoowe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u ah maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa  Sheegay Shariif Xasan loo sheegay in uu dib ugu laabto Muqdisho isla markaana uu joojiyo xiisada uu ka wado Beydhabo sidda uu sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Ma cadda in uu Shariif Xasan Sheekh Aadan oggolaaday in uu dib ugu laabto Muqdisho oo markii horre uu ka yimid iyo in uu diiday qorsha loo soo jeediyay.

Si kastaba, waxaa maalintii 3-aad magaalada Beydhabo ka socda dibadbax rabshado wata oo sababay in la xiro goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda.

Dadka dibadbad baxaya ayaa taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@livec.om