Cumar C/rashiid oo ka digay tallaabo uu qaadi karo ABIY

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi iyo Hanoolaato ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiska badda.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku dhiiran karo dagaal, uuna ka digayo arrintaasi, maadaama ay dhibaato ku keeni karto gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay wax kasta ka suurtoobaan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay feejignaan iyo diyaar garow xoogan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka, haddii ay Itoobiya isku daydo inay xoog ku qabsato baddeenna.

“Abiy Axmed isaga oo Addis Ababa qarka loo taagan yahay ayaa ka shaqaynaya kala qaybinta ama kala goynta Soomaaliya, waxa aan qabaa in aan la yaraysan waayo wax badan ayuu ku dhiirran karaa sida in uu dagaal soo qaado marka waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado” ayui yiri Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dalabka Itoobiya u dirsatay IGAD, si mar kale looga hadlo xiisadda ka dhalatay heshiiska sharci darrada ah ee uu la galay Somaliland.

Mr Sharmaake ayaa ugu baaqay hoggaanka Urur Goboleedka IGAD in aysan aqbalin dalabka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, maadaama uu horay u diiday shirkii ay dalbatay Soomaaliya ee ka dhacay dalka Uganda.

“Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sababtay damaciisa ku aadan helitaanka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa” ayuu yiri sii raaciyay.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kasii dareysay tan iyo wixii ka dambeeyay kowdii bishan markaas oo la saxiixay heshiiska badda ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya.