Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee BF? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa shir guddoominaayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

  1. Dhaarinta Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.
  2. Warbixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  3. Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Hab-dhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cuseb ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud XFS.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sameeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin oo kulanka soo xirtay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3-aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.