Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid go’aanadii kasoo baxay shirkii MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu kaga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Cumar Cabdirashiid ayaa ka horyimid go’aanada kasoo baxay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay inay buuri karaan xiisado horleh.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabi ahaan meesha laga saaray hufnantii geedi socodka doorashooyinka, ayna awooda isku soo koobeen maxdaxda maamullada dalka.

Cumar Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in dib eegis deg deg ah lagu sameeyo qodobada qaar ee war-murtiyeedka lasoo saaray.

“Hoggaamiyayaasha goboladu waxay ku guuleysteen inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin doorashooyinka Aqalka Hoose. War-murtiyeedka ayaa wax u dhimey hufnaantii geedi-socodka oo haddii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed, waxaa laga yaabaa inay kiciso xiisado cusub oo laga yaabo inay rabshado dhacaan. Dib -u -eegis degdeg ah ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid ra’iisul wasaarihii hore.

Waxa kale oo uu ku baaqay in loo baahan-yahay in laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda, si ay natiijada u noqoto mid la wada ogol-yahay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii wada-tashiga ee u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo qodobada laga soo saaray ay muujinayaan in awooda doorashada,  gaar ahaan tan golaha shacabka loo gacan-geliyey hoggaamiyeyaasha shanta maamul ee dalka.