Xog: Cumar Filish oo gaadiid dagaal iyo ciidan badan kala yimid Shabeellada Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa gobolka Shabeellada Dhexe ka dalbaday ciidamo Milateri ah iyo Gaadiid dagaal, kadib markii uu xoogeysstay xiisadda u dhaxeysa isaga iyo taliyaha booliska Soomaaliya.

Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar uu amar ku bixiyay in awood ciidan lagu joojiyo dhismaha dhul danguud ah oo ay Naafada Qaranka lahaayeen oo ku yaala nawaaxiga Dekadda Muqdisho, dhulkaas oo guddoomiye Cumar Filish ka dhisay baakinka gaadiidka ka shaqeeya dekadda Muqdisho.

Taliye Xijaar ayaa guddoomiyaha ku amray joojinta dhismaha iyo xarig ka jarka, waxaana la sheegay in diidamada gobalka kadib taliye Xijaar ku amray in awood ciidan lagu joojiyo howsha halkaas ka socotay.

Xogta ayaa tilmaamaysa in Korneel Saneey Cabdulle iyo Sarkaal lagu magacaabo Shaah Ma-cabe ay guddoomiye Cumar Filish usoo dhiibeen shan gaari oo nuuca dagaalka ah iyo ciidamo ku hubeysan qoryaha BKM iyo Baasuko iyo hub kale oo kamid ah nuucyada fudud.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish oo markii hore ku socon jiray hal gaari oo nuuca aan xabada karin ee Butuufta ah ayaa hada ka dhigtay laba gaari iyo dhowr gaari oo kale kuwa raaxada ah.

Arrintaan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay xiisada u dhaxeysa Taliye Xijaar iyo Cumar Filish. Ilaa hadha ma jirto wax dadaal ah oo ka socda dhinaca dowlada oo arrintaan xal loogu raadinayo.

Abaabulka ka socda Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in uu saameyn ami ku yeesho Muqdisho haddii aan wadahadal lagu xalin.