Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal Abukaate Cumar Cabdull (Cumar Dhagey), ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmiga ah ee ilaa iyo hadda loo doortay kamid noqoshada Aqalka Hoose ee BFS.
Cumar Dhagey ayaa sheegay in Doorashada ay meel wanaagsan mareyso waxa uuna tilmaamay in ilaa iyo hadda la doortay Xildhibaano gaaraya 204 Xildhibaan oo Aqalka hoose ah, welina ay socdaan Doorashooyinka.
Cumar Dhagey waxa uu sheegay tirada guud ee Xildhibaanada Aqalka hoose in laga doonaayo 275 Xildhibaan, isla markaana tiro aad u badan iminka la doortay.
Doorashooyinka ka socda Gobolada qaar ayuu sheegay in dhawaan lasoo gabagabeyn doono, waxa uuna rajo ka muujiyay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo ku-xigeenadiisa.
Doorashooyinka Aqalka hoose ee dalka ayaa maraya heer gabo gabo ah, marka la eego sida ay ku socdaan, waxa uuna Cumar Dhagey ballanqaaday in Doorashada Madaxweynaha aysan dhaafi doonin 2016.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

