28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Sawirro: Puntland oo shaacisay tirada maleeshiyada Daacis looga dilay Qandala

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland, ayaa waxa ay maanta si buuxda ula wareegen gacan ku heynta Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ka dib markii ay halkaasi saldhigyo ka dhigteen maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Ciidamada Puntland, ayaa dhinaca dhulka iyo baddaba ka galay Degmadaasi, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in duulaankaasi kadib ay Daacishta Somalia isaga baxeen Degmada.

Ciidamada maamulka, gaar ahaan qeybaha Badda, ayaa marka hore gudaha u galay Degmadaasi, iyadoo kolkii dambena ay soo galeen ciidamadii dhinaca dhulka kaga soo wajahnaa.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan Degmada Qandala, ayaa warbaahinta u sheegay in saacadaha soo socda ay kusii faafi doonaan dhammaan deegaanada hoostaga Degmada Qandala.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo gaaray degmadda qandala ayaa isna sheegay in ciidamada Puntland ay dhinac badda iyo Beriga ka weerareen magaaladda, oo ay ka qabsadeen Barqanimadii maanta.

Wasiirka Qorshaynta wuxuu sheegay in howlgalkii lagu xoraynayay Qandala ay ku dileen 30 maleeshiyaadka Daacish, in ka badan 35 kale ay dhaawacmeen.

Waxa uu intaa kusii daray in dhinaca Ciidamada Puntland dagaalkaasi lagu dhaawacay ilaa 5 Askari oo uu sheegay inay ku jireen furumaha Dagaalka.

Askarta 5-ta ah ee lagu dhaawacay Dagaalka ayaa waxa uu Wasiirka Qorshaynta sheegay in laba ka mid ah u soo gaaray dhaawac culus.

Geesta kale, Ciidamada Puntland ayaa Magaalada Qandala kaga sugan dhowr xaafadood, waxaana lasoo warinayaa in maleeshiyaadka Daacish aysan kawada bixin magaalada.

- Advertisement -

Read more

Local News