Addis Ababa (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in Cumar Faaruq Cismaan oo hoggaamiya garab ka mid ah NUSUJ uu ku xiran yahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Cumar Faaruq ayaa la sheegay in lagu xiray garoonka diyaaradaha Addis Ababa, kaddib isagoo ka qaybgalaya shir ay lahaayeen hoggaamiyaasha warbaahinta Afrika.
Si dhab ah looma oga wax yaabaha loo heesto balse ilaha warkan aan ka soo xiganay ayaa noo sheegay in lagu lee yahay lacago badan, waxaana ku leh Hotel lagu magacaabo Jubeele oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.
Cumar Faaruq waa xoghayaha guud ee garab ka mid ah NUSUJ oo ah hey’ad sheegta in ay ku mideesan yihiin oo ay wax u qabato saxaafadda Soomaaliya.
Waxaa jira labo garab oo NUSUJ ah kuwaasoo si yaabo kala duwan uga shaqeeya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, labadaas garab waa kuwa is khilaafsan waxaana la kala safan wariyaasha iyo hawlwadeenada warbaahinta Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

