Cumar Filish oo ballan ku saabsan doorashada u sameeyey guddoomiye Cirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Ujeedka Kulankaan ayaa ahaa mid looga arrinsanayay sidii loo dar-dar gelin lahaa  Doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda.

Waxaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho u ballan-qaaday Guddiga doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aaddan Kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso gobolka Banaadir.

Dalka hadda waxaa uu kuniraa waqti doorasho, waxaana doorashooyin dhowr ah ee la qabtay ka yimid cabashooyin kala duwan, kuwaas la sugayo in xal laga gaaro.

Kulanka Guddoomiye Cirro iyo Cumar Filish ayaa imaanayo xilli uu buuq badan hareeyey doorashadii ka socotay Dalka kadib markii la boobay Kuraas badan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa taalo Kuraasta Reer Woqooyoga iyo kuwa Banaadiriga, waxaana illaa hadda la doortay dhowr Kursi oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee maamuladaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii