Cumar Filish oo go’aan ka soo saaray adeegga FOREX

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad goor dhow kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu hakiyey bixinta rukhsadaha ama diiwaan gelinta shirkadaha ka shaqeeya adeeggsa sarifka online-ka ee loo yaqaan Forex.

Warqadan ayaa lagu xusay inay tixraac u tahay warqad horay uga soo baxday xaafiiska guddoomiyaha Banka Dhexe ee Soomaaliya, taas oo looga hadlayey ruqsad siinta shirkadaha sarifka online-ka ee Forex.

“Iyadoo la amba qaadayo warqadda tix raaca sare ku xusan, Agaasimaha waaxda khidmadaha iyo adeega ee dowladda Hoose, oo warqadani si toos ah ugu socoto, waxaa laguugu war gelinayaa in la joojiyey, laga bilaabo 20-ka bisha Febraayo ee maanta ruqsad siinta ama diiwaan gelinta ee shirkadaha Forex” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xaafiiska guddoomiye Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish ayaa agaasimaha amray in uu soo gudbiyo liiska shirkadaha Forex-ka ee horay uu u diiwaan geliyey maamulka gobolka Banaadir, sibaa lagu yiri qoraalka “go’aan looga gaaro”.

Hoos ka aqriso warqadda