FILISH oo ‘guri dowladeed siiyey’ agaasime ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Oonline) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna sidoo kale duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guri dowladeed oo ay degto siiyey Maryan Aadan Amiin oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida ay iyadu shaacisay Marwo Maryan Aadan.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo xalay khudbad ka jeedisay munaasabadda sanad-guurada labaad marka uu xilka la wareegay Cumar Filish ayaa sheegtay inay u mahadcelineyso duqa Muqdisho, maadaamo uu siiyey guri ay degto.

Maryan oo si daah-furan uga hadashay arrintan ayaa sheegtay in dhulka la siiyey xilligii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isla-markaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku soo xiriiriyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir, isaguna uu si wanaagsan uga jawaabay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in saddex guri la geeyey, balse ay ka xulatay guryaha la soo tusay midkii ugu yaraa, sida ay hadalka u dhigtay.

“Guddoomiyaha guri dowladeed ayuu siiyey, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha annaga oo shir ku jirno ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu yiri madaxweyne Maryan 700 ayey qaadataa Isxilqaana waa dhistaa, guri ijaar ah oo 500 ahna way ku jirtaa, hadday meel fog tagtana nafteydaa qatara, kadib Cumar Filish ayaa la’iigu soo xiray,” ayey tiri

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in duqa Muqdisho uu siiyey lacag iyo waraaq amar ah oo ay ku dhisaneyo guriga la siiyey.

“Lacag aan ku dhistay wuu i siiyey waraaqna wuu isiiyey guddoomiye waa mahadsan tahay,” ayey sii raacisay agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, wuxuuna haatan ku soo aadayaa, iyada oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay in la iibiyo qeyb ka mid ah dhismaha Tiyaartarka Qaranka.