Cumar Finish oo la yimid shuruudo la xiriira amniga xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Finish uu la yimid shuruudo ku aadan sida loo sugayo amaanka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa madaxda sare ee dowladda, si gaar ah Madaxweyne Farmaajo waxa uu hor dhigay dalab ah in la badalo dhamaan mas’uuliyiinta ammaanka gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta uu doonayo in labadalo Cumar Filish ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Cabullahi Tuulax iyo dhamaan saraakiisha iyo ciidamada gacanta ku haya ammaanka xarunta gobolka Banaadir iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish ayaa madaxda dowladda shuruud uga dhigay inuu isagu la imaanayo cida sugeysa ammaanka xarunta gobolka ee dowladda hoose, islamarkaana uusan aamini karin ciidamada hadda gacanta ku haya xarunta.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah shaki uga muujiyay ciidamada ilaalada u ah xarunta gobolka Banaadir oo bishii hore lagu dhex qarxiyey guddoomiyihii isaga ka horeeyay Eng. Yariisow.

Wararka ana helnay ayaa sheegaya in Cumar Finish doonayo inuu keensado ciidamo horey ilaalo ugu ahaan jiray oo hadda ka tirsan militariga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com