Wasiirka arrimaha gudaha DF oo Ahlu-Sunna ku tilmaamay caqabad hortaagan dhismaha maamulka Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo gaba gaboobay kulan ay yeesheen Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Sebriye ayaa Bulshada Dhuusamareeb uga war bixiyey waxa uu ku saabsanaay iyo qodobada uu ka koobnaay heshiiskii ay bil ka hor wada galeen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo Xukuumadda Federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hir galisay dhamaan qodobadii lagu heshiiyey, markii laga reebo hal qodob.

Halkaas qodob ayuu ka gaabsaday Wasiir Sebriye inuu la wadaago Bulshada, balse waxa uu sheegay inaan wali la gaarin dhaqan galinta qodobkaas.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin dhismaha maamulka Galmudug, isu keenida Ergada ka qeyb galeysa shirka Dhuusamareeb iyo soo xulidda Xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo sida uu sheegay ay ku gor-gortamayaan.

 

Hadalka uu caawa Dhuusamareeb ka jeediyey Wasiirka arimaha gudaha ayaa laga cabsi qabaa inuu kasii daro carada Ahlu-Sunna oo galabta ku dhawaaqday inay iska difaaceyso dowladda.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caadimada@live.com