Curashada xisbiyadda siyaasadda dawo ma u noqon kartaa cudurka qabiilka iyo mooshinka?

3 da December oo baroordiiq loo dhigi jiray musiibadii Qaraxii Shaamow ayaa shalay xus loo dhigay Curashada Axsaab Siyaasadeed oo dalka ka hana qaada kadib 47 sano. Sanadkii 2000 ee dib loo yagleelay dawladnimada Somaliya waxaa lagu heshiiyey; Axdi ku meelgaar ah, Barlamaan 225 ah, Awood-qeybsi 4.5 ah iyo 2 sano gudahood in loo guuro; Dastuur, Axsaab, Doorasho iyo Dawlad rasmi ah. Nasiib daro 17 sano waxaa socday; Qabiil siyaasadeed, ku meelgaar, gobaleysi, Mooshin iyo xasilooni daro siyaasadeed, taa oo sababtay in 17 sano gudahood ay is bedelaan 15 Xukuumadood iyo 5 Madaxweyne. Xukuumad kastana ay jirto sanad iyo bil, maxey qaban kartaa?

Qabiil iyo Mooshin waa laba kalimadood oo Qur’aanka iyo Luqadaha ajnabiga macnahoodu ku yahay; “isbarsho iyo soo jeedin” lkn Somalidu u taqaan cudurka ugu weyn ee dila ama dumiya dawladnimada Somaliya ee Dawo ma u noqon kartaa Axsaabta la furay? Mise way sii hurinaysaa?

Bandhigii waxqadabka Xukuumada 8 dii bilood ee lasoo dhaafay ee habeen hore ka dhacday Muqdisho waxaa Wasiiro ka tirsan Xukuumada xuseen in Axsaab iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Xukuumada aan weli dhameysan hal sano, taa oo caqabad ku noqon karta guulaha ay soo bandhigtay Xukuumadu iyo himilada doorashada 2020, qabya-tirka dastuurka iyo dhismaha Axsaabta badan ee dalka.

Taariikhda Mooshinadii lagu ridi jiray Xukuumadii hore iyo kan la sheegay bilawgiisa waxey ku kala duwanyihiin astaama ka dhigi kara mid adag oo aan xiligaan lagu guuleysan karin;

  1. Mooshinadii hore waxaa lahaa kaliya golaha shacabka, halka midkaan uu ka dhaxeeyo labada Aqal oo kala aragti iyo dana duwan, tiradooda oo gaareysa 329.
  2. Golihii shacabka ee hore waxey ku imaan jireen Qabiil kaliya, halka labada Aqal ee hada jooga ay ku yimaadeen Qabiil iyo Gobalo kala dana duwan, saameyna ku leh.
  3. Mooshinadii hore waxaa lagu bilaabi jiray laguna ridi jiray Xukuumada, halka midkaan lagu bilaabay Madaxweynaha, waana arin ku ugub siyaadada Somaliya oo horey uma dhicin Madaxweyne lagu riday Mooshin.
  4. Mooshinadii hore waxey ka imaan jireen Somaali dhexdeeda, halka midkaan lagu tuhmayo in dibada ay ka riixayaan quwado shisheeye oo Somalidu xasaasiyad ka qabto, sidii ku dhacday Madaxweynihii hore markii lagu tuhmay in ololihiisa ay gadaal ka riixayso Itoobiya.
  5. Mooshinadii hore waxaa bilaabi jiray Xildhibaanada Qabiilka kursiga loo socdo, halka midkaan ay bilaabeen Qabiil xafiiltan ka dhexeeyo dhexdooda, kuwa kalena uu kala dhexeeyo.
  6. Xildhibaanada labada Aqal markii ay galayeen doorashada waxey saxiixeen Axdi iyo balanqaad in ay laba sano gudahood ku kala biiraan Axsaab Qaran, waxa aan laga aqbali karin in ay Qabiil, Kooxeysi iyo Gobaleysi ay isku abaabulaan maanta iyada oo laga sugayey in ay furtaan ama ku biiraan Axsaab Qaran.

Hadaba waxaa is weydiin mudan su’aalahaan lagu wareeray;

  1. Shalay waxaa Xisbiya furtay laba Xildhibaan kaliya! Aaway kuwii kale? Maxey sugayaan oo dib u dhigay?
  2. Shalay waxaa la diiwaan geliyey 7 Xisbi kaliya! Aaway kuwii kale ee doorashada horey ugu soo galay magac Xisbi ama horey usoo bandhigay ama lagu tuhmay in ay ka danbeeyaan Mooshinka laga qeyliyey sida; PDP, Wadajir, Daljir, Kulan iwm, oo shalay goobtii laga waayey, markii laga reebo Xisbul-xaakimka Tayo oo goobta laga sheegay in uu maalmaha soo socda imaan-doono isaga oo ulihiisa iyo udbihiisa wata!!!

Hadaba imaanshaha soo daaha ayaa ka fiican maqnaashaha, iyo in la cuno dawo qaraar si looga caafimaado cudurka Qabiilka iyo Mooshinka, degdegna loogu guuro Xisbiyo ku dhisan sharci, mabaadi’, aragti siyaasadeed iyo dhaqan dawladnimo.

W/Q: Maxamed Nur Gacal