Ururka Xamaas oo si cajiib uga hadlay go’aanka uu Farmaajo ka qaatay la kulanka Netanyahu

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka xamaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ku diiday la kulanka Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Xamaas, ayaa sheegtay inay aad usoo dhaweyneyso Mowqifka uu Farmaajo kaga hor imaaday qorshooyinka uu Netanyahu ka lahaa kulanka uu ka dalbaday Farmaajo.

Mas’uul magaciisa lagu sheegay Musa Abu Marzuq oo xubin ka ah Xafiiska arrimaha siyaasada ee Xamaas ayaa sheegay inay soo dhawenayan Mowqifka Madaxweyne Farmaajo.

Musa Abu Marzuq, waxa uu sheegay in Xamaas aysan dowlad u aqoonsaneyn dalka Yahuuda sidaa aawgeed go’aanka Madaxweynaha Somalia ay wado usii furi doonto dowlado dhowr ah oo baqdin ka qabay inay qaatan Mowqif lamid ah kan uu qaatay Farmaajo.

Musa Abu Marzuq ayaa yiri ‘’Waa go’aan dhiirnaan leh oo dhabar jabinkara siyaasada fog ee Netnyahu’’

Waxa uu intaa kusii daray ‘’ Inkastoo aysan xasilooneyn Somalia hadana Madaxweynahooda waxa uu muujiyay sida ay u diidan yihiin ficilada Israel iyo gumaysiga ay ku heyso shacabka iyo dhulka falastiiniyiinta’’

Musa Abu Marzuq waxa uu intaa kusii daray haddalkiisa ‘’Waa hogamiye mudan ixtiraam iyo qadarin waxaa uu mujiyay xirirka walaltinimo ee Somalia kala dhexeeya falastiin’’ ayuu hadalkiisa ku daray Musa Marsuuq.

Sidoo kale, Warbaahinta maxaliga ah ayaa dhawaan baahisay warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu laalay dalab uu Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ku dalbaday la kulanka Farmaajo, xili ay kawada qeybgalaayen caleemasaarka Madaxweynaha Kenya.

Haddalka Musa Marsuuq ayaa kusoo beegmaaya xili wadamo dhowr ah ay aad ula yaaben Mowqifka Farmaajo uu ku diiday dalabka Netanyahu.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com