C/W Gaas oo cabashadiisa ku wargeliyay Mahad

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa magaalada Gaalkacyo kula kulmay gudoomiye  ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle cawad oo labadan maalin ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Saciid Xasan Shire, waxaana madaxweyne Gaas uu la qaatay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxyaabaha uu ka tabanayo dowlada Soomaaliya gaar ahaan dastuurka ku wargeliyay Mahad Cabdalle Cawad oo ay ku kulmeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ilaa iyo hadda lama oga waxyaabaha uu Mahad Cawad ugu jawaabay C/welli Gaas, laakiin waxaa la filayaa in Mahad Cawad uu dowlada Soomaaliya usoo bandhigo waxyaabaha uu kala kulmo madaxweyne Gaas.

Maamulka Puntland ayaa marar badan cabasho ka muujiyay dastuurka dowlada federaalka Soomaaliya oo Puntland ay sheegtay iney ku xadgudubtay dowlada Soomaaliya.

Waxaana wali taagan murun u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, sida Puntland iyo Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com