Madaxweyne XASAN Sheekh oo ku raftay su’aal laga weydiiyay shirka dhawaan ka furmi doono…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo kadib la filaayo in Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedka dalka ay ka qeybgalaan shir looga hadlaayo arrimaha Hiigsiga 2016-ka.

Madaxtooyada Somalia ayaa iyadu wada qorshihii looga qeybgali lahaa shirka iyo wixii ay la hortagi lahaayen madasha, inkastoo Maamul Goboleedyada dalka ay gooni isaga faquuqayaan Dowlada.

Madaxweyne Xassan oo ay Xafiiskiisa ku booqden Xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka kana qeybgali doono shiraasi ka furmi doono dalka Mareykanka, ayaa waxa ay Madaxweyne Xassan Sheekh Su’aal ka weydiiyen qorshaha ay Dowladiisu la tagi doonto Madasha shirka.

Madaxweyne Xassan oo juqdii gabay ayaa Wakiiladaasi u sheegay in Dowladu ay weli ku mashquulsan tahay diyaarinta Khudbadaha iyo soo bandhigida kalimado munaasab ku ah shirka.

Madaxtooyada Somalia ayaa ku kala aragti duwan qaabka ay shirkaasi uga qeybgali lahaayen qaarkood ayaa qaba in shirka ay banaan joog ka ahaadan Maamul Goboleedyada dalka, halka qaarna ay qabaan in Maamuladaasi ay ka qeybgalaan balse arrimaha shirka ay uga danbeeyan Madaxda Qaranka.

Maamul Goboleedyada ayaa iyagu ka faa’iideysanaaya fursadaha shirka, waxa uuna qorshuhu yahay inay soo bandhigaan tabashooyinkooda ku aadan DF.

Lama oga sida ay dhinacyadaasi ku heshiin doonaan, inkastoo saadaashu ay u badan tahay mid uu muran ka dhalan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com