Siyaasi caan ah oo aflagaadeeyey Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng Faysal cali Waraabe, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu dhexda u guntaday kala geynta Shacabka iyo Maamulka Somaliland.

Faysal Cali oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ay maaro u la’ dahay Madaxweyne Xassan iyo Dowladiisa waxa uuna meel fagaaro ah ku dacaayadeeyay Xassan Sheekh iyo Dowladiisa oo uu ku sifeeyay Cadow, sida uu hadalka u dhigay.

Faysal Cali ayaa sidoo kale Saxaafada ka hor sheegay in Madaxweyne Xassan uu yahay shaqsi habaar qaba, isaga oona eraygaasi ku sheegay mid uu ku muteystay kala geynta Maamulka iyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Maamulka Somaliland DF Somalia aysan lasii wadi karin wada hadalka qabyada ah, waxa uuna Xassan Sheekh ugu baaqay inuu joojiyo faragalinta uu ku hayo Umadda ku hoosnool Maamulka.

Nuqul kamid ah hadalka Eng Faysal ayaa ahaa “Xasan waa nin inkaar qaba, waayo waxa uu dhibaato ku hayaa shacabkii uu madaxda u ahaa, waxa uu kala gooyay gobaldii, waxa uu billaabay in uu dadka isku diro, mid mid u kala geeyo, isagana siyaasadiisa ay noqoto mid jahwareersan. Maamulka iyo Shacabka Somaliland ayuu iska horgeeyay waxba mareeban Xassan Sheekh”.

Haddalka Faysal Cali Wareebe ee uu ku aflagaadeeyay Madaxweynaha dalka ayaa u muuqaneysa mid godobfalo loogu muujinaayo DF iyo shacabka ku hoosnool, islamarkaana looga weecanaayo Qodobadii lagu kala saxiixday Magaalada Ankara ee dhigaayay inaan leyska dacaayadeen saxaafadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com