P/land oo Ethiopia u gudbisay dacwad ka dhana..

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dacwad ka dhan ah Maamulka Somaliland u gudbisay Dowlada Ethiopia.

Dacwada ayaa ah mid salka ku heysa dagaalo kala duwan oo dhawaan ka dhacay xadka ay Puntland la wadaagto Maamulka Somaliland kaasi oo inta badan galaafto nolosha dad rayid ah.

Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xersi Cali Qarjab oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ay dacwad ka yihiin islamarkaana ay wado xadgudubyo ka dhan ah Puntland.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay u direen digniino balse aysan jirin cid wax ka badeshay digniintaasi iminkana ay ku waajibtay in Caalamka ay ogeysiiyaan dacwooyinkaasi si uu yiri wax looga qabto dacwada.

Somaliland ayuu sheegay inay hurineyso colaadaha kusii baahaya deegaanada ay maamusho Puntland kuna yaalla xuduuda, haddii ay ka fursan waayaana ay jawaab cad ka bixin doonaan.

Waxa uu cadeeyay in Maamulkooda uu Ethiopia ku wargaliyay dhibaatada dhanka xuduuda ka taagan ayna u sheegeen in loo baahan yahay iney adkeyso dhanka xuduudeeda.

Dacwooyinkaani ayaa imaanaya xili Puntand ay garab wanaagsan ka heysato Dowlada Ethiopia oo iyadu kasoo horjeeda in Somalia ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com